Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Norway oo maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Norway oo maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha Soomaaliya iyo Norway ayaa maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada oo laga fulinayo dalka oo dhan.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya, Safiirka ku xigeenka dalka Norway ee Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan geeska afrika iyo madaxa hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay kulankan oo daah fur u ahaa wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyada guud ee bulsahada oo ay maalgelineyso dowlada Norway.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Mashruucan oo socon doonaa muddo Seddex sano ah waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyadoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka garoomada ciyaaraha, isbitaalada naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada.

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu xambaarsanyahay muhiimad weyn islamarkaana ay ka faaiideysan doonaa dhallinyaradda, Dadka Jilicsan, ganacsatada yar yar iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysto hadafka loogu talo galay mashruucan.

Madaxa hey’adda NIS Foundation ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale Ayaa dhankiisa xusay in lagu guuleystay Wejigii hore ee mashruucan oo lagu dhisay wadooyin, Isbitaalo,xaruumo dowladeed iyo goobo kale, isla markaana hada ay xooga saari doonaan sidii loogu guuleysan lahaa mashruucan labaad oo faaiido badan u leh bulshada Soomaaliyeed .

Previous Post

Dowlada Qatar oo markale Muqdisho ka soo dejisay gargaar ay uga qeyb qaadaneyso gurmadka fatahaadaha+Sawirro

Next Post

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Next Post
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In