Madaxweynaha Dowladda Goboleedka K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ย Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceenย fatahaado ka dhashay daadad kusoo rogmaday kadib Roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay.
Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamul Goboleedka K/Gabeed, waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai.
Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed ย ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda biniโaadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadkii ku soo rogmaday.