Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kala xasiisday heshiis+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kala xasiisday heshiis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu  saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;

1.  In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.

3.  Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay  in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.

4.  Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5.  Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a.  Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b.  Sidoo kale Dowladda  Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood.

Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar.

Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka  Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka  Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.

Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen  Guddi ka kooban Lix xubnood  oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska.

Previous Post

Sheekada IskuMaan 13/11/2019

Next Post

Xukuumadda Oo Horumarineysa Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Faransiiska

Next Post
Xukuumadda Oo Horumarineysa Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Faransiiska

Xukuumadda Oo Horumarineysa Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Faransiiska

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In