Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay shirka wadatashiga horumarinta siyaasadda iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 20, 2019
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay shirka wadatashiga horumarinta siyaasadda iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wadatashiga horumarinta Siyaasadda iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha, xubno ka socday iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed iyo qubaro ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay u jeeddada laga leeyahay dejinta siyaasadda lagu horumarinayo iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kale ay ka qeyb galayaashu is weydaarsadeyn doodo iyo fikrado ku saabsan wax ka badalka iyo wax ku daridda sharcigan, xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta wax soo saarka dalka.

Related posts

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo shirka daahfuray ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda beeraha iyo iskaashatooyinka beeraleyda Soomaliyeed oo uu tilmaamay inay dalka muhiim u yihiin.

Maxamuud Abiikar oo ku hadlay magaca iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sharcigan akhrin doonaan, isla markaana ay u kuurgeli doonaan waxyaabaha wax ka badalka u baahan iyo haddii ay jiraan qodobo u baahan in lagu daro  sharcigan.

Professor Yaxye Yuusuf Xaaji oo ah qoraaga sharcigan ayaa sheegay in siyaasadda iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed  ay faa’iido weyn u  leedahay dalka, maadaama ay muhiim u tahay wax soo saarka Beeraha iyo in la gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Previous Post

Somalia Police Chief meets head of AMISOM to discuss security of upcoming elections

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore oo kulan u socda

Next Post
Dowladda FS oo war ka soo saartay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore oo kulan u socda

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In