Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Garyaqaan Suleyman Maxamed u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN CELINTA JINSIYADDII LABAAD EE MADAXWEYNE FARMAAJO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.

Related posts

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

February 8, 2026
Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka JFS Mudane Axmed Cali Daahir shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

 

Previous Post

Hanaanka maamul u dhisadda Dowlad Goboleedka Galmudug oo lasoo saaray “Akhriso”

Next Post

Soomaaliya oo dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo ay ka maqneyd muddo 28 sanadood ah “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya oo dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo ay ka maqneyd muddo 28 sanadood ah “SAWIRRO”

Soomaaliya oo dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo ay ka maqneyd muddo 28 sanadood ah "SAWIRRO"

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

February 8, 2026
0

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo si qoto dheer...

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
0

Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa...

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS  oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

February 8, 2026
0

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo saaray...

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In