Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacaddiyada ka dhanka ah Jinsiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacaddiyada ka dhanka ah Jinsiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, kaasoo muddo 16 cisho ah wacyigelintiisa lagu gaarsiin doono dhammaan gobolada Puntland.

Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash ku wehliyey labada Gole ee Dowladda sida Wasaaaraddaha Cadaaladda, Caafimaadka, Deegaanka iyo Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Haweenka iyo xuquuqul aadanaha, Ururada Haweenka Puntland iyo marti sharafkale.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska iyo hayádaha kala shaqeeynaya wacyigelinta ku saabsan sidii looga hortegi laha tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Mudane Axmed Karaash sheegay in Haweenku kaalin muhim ah kaga jiraan bulshada, ayna Dowladdu ay kala shaqeynayso cidkastoo ku shaqo leh, sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada dumarku la kulmaan.

Ololaha 16-ka maalmood socon doona oo maanta ka bilowmay Puntland, waxaa bulshada qeybaheeda kala duwan looga wacygelinayaa sidii meel looga soo wadajeesan lahaa tacaddiyada dumarku la kulmaan, maalmaha waxaa ku jiro kuwo mid walbo u asteeysantahay arrin gaar ah sida, dilka, kufsiga , gudniinka waxyeelada geysta iyo wixii la mid ah.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Hanti-dowrka guud ee Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Puntland oo guddi u saartay wax ka qabashada fatahaado ka dhashay roobab ka da’ay deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”

Next Post
Puntland oo guddi u saartay wax ka qabashada fatahaado ka dhashay roobab ka da’ay deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”

Puntland oo guddi u saartay wax ka qabashada fatahaado ka dhashay roobab ka da’ay deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In