Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Afrika iyo Talyaaniga oo lagu soo geba gebeeyay Milano “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 27, 2019
in Wararka
0
Shirkii Afrika iyo Talyaaniga oo lagu soo geba gebeeyay Milano “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii u dhexeeyay Dowladaha Afrika iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyan kujirto ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, iyadoo Soomaaliya uu u matalayay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi.

Mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday shirkan oo loogu magac daray (Afrika & Italy Business Week) ayaa diiradda lagu saaray sidii wadamada Afrika iyo Talyaaniga ay isaga kaashan lahaayeen ganacsiga iyo Dalxiiska..

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi oo kamid ah wafdiga Wasiir Maareeye uu hoggaaminayo ee shirkaasi ka qeybgalay.

Wasiir Maareeye oo la kulmay qaar ka mid ah madaxdii shirka ka qeyb gashay

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wafdigiisa ayaa shirkaasi ku soo bandhigay fursadaha dhanka ganacsiga iyo Dalxiiska ee ka jira Soomaaliya, maadaama dalka uu haatan ka soo kabanayo burburkii, isla markaana uu cagta saaray dhabihii horumarka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshey qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashey shirka, waxaana ka mid ahayd Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Emanuela Claudia Del Re  oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo in dowladda Talyaanigu ay taageerto qorshayaal lagu horumarinayo Warbaahinta dalka.

Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirka ayuu Wasiirku ku ammaanay dowladda Talyaaniga sida ay dhabarka ugu ridatay martigelinta muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaasi oo dalkaasi galaya ,iyagoo ka gudbaya badda Mediterranean-ka ee isku xirta dalalka Afrika iyo Qaaradda Yurub.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada galaangalka ku leh taageerada Soomaaliya, waxaana jira xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeya labada dowladood, taasi oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay ka faa’ideysan karto barnaamijyadan horumarinta ganacsiga Dalxiiska.

 

Previous Post

Odoyaasha Dhaqanka oo isku raacay in Baarlamaanka Koonfur Galbeed laga dhigo 95 Xildhibaan

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In