Monday, September 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dawlaha oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta teknolojiyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 6, 2019
in Wararka
0
Wasiiru-dawlaha oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta teknolojiyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Boostada, Isgaarsiinta, & Teknolojiyada, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo ka qeyb galayay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Teknolojiyada ee Afrika ee galinkii dambe ee shalay lagu soo gabagabeeyay caasimadda dalka Ghana ee Accra, ayaa ka warbixiyay dadaallada Wasaaraddu ee la xiriira sidii loo horumarin lahaa aqoonta iyo helitaanka internetka ee dalka.

Wasiiru-dawlaha oo dood-wadaag kala qeyb galayay qaar ka mid ah wasiirrada isgaarsiinta Afrika ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay sidii loo baahin laha helitaanka internetka iyo horumarinta xirfadaha teknolojiyada, isagoo tusaale u soo qaatay qodobadan:

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025

▪ Dalka waxaa soo gala 3 xarig oo internet, waxaana socda qorshaha 2 xarig oo kale lagu keenayo, kuwaas oo marka ay wada hirgalaan kordhin doona helitaanka, qiimaha iyo tayada adeegga internet ee dalka.

▪ Wasaaradda oo kaashaneysa Bankiga Adduunka waxay u fududeysay in qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda federaalka iyo kuwa heer dawlad-goboleed iyo qaar ka mid ah jaamacadaha dalka ay helaan adeeg internet.

▪ Wasaaraddu waxay waddaa qorshe lagu dhisayo Xarunta Hal-abuurka Teknolojiyadeed ee dalka (Somalia National Innovation Centre – SO NICE), taas oo noqon doonta goob xiriirisa xarumaha hal-abuurka dalka oo la doonayo in la gaarsiiyo heer degmo iyo in jaamacad kasta ay u furto ardeydeeda si ardeyda ka soo baxaysa jaamacadda ay u abuuran karaan shaqooyin.

▪ Waxaa dhowaan Golaha Wasiirradu uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii teknolojiyada loogu isticmaali lahaa waxbarashada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado teknolojiyada.

▪ Wasaaraddu waxay dib u hawl-gelisay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu baahinayo aqoonta iyo xirfadaha teknolojiyadeed ee dalka.

Wasiiru-dawlaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intii ay joogeen shirka waxay sidoo kale la kulmeen wasiirro, hay’ado iyo shirkado ka shaqeeya horumarinta aqoonta teknolojiyada iyo hal-abuurka si la isku weydaarsado waaya-aragnimada iyo teknolojiyadda loo adeegsado kobcinta aqoonta teknolojiyada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada waxbarashada iyo isgaarsiinta ee qaaradda Afrika waxaa looga hadlayay kaalinta ay teknolojiyadu ka qaadan karto horumarinta waxbarashada, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay sida shirkadaha gaarka ah gacan uga siin karaan dawladaha Afrika dadaalladooda ku aaddan aqoonta teknolojiyada.

 

Previous Post

Bulshada Gardafuu oo si isku tashi ah u furaya Waddada Dhabaaqo “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawirro Qurux badan iyo horumarka Dalka

Next Post
Daawo Sawirro Qurux badan iyo horumarka Dalka

Daawo Sawirro Qurux badan iyo horumarka Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay...

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

September 8, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Mudane Xildhibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In