Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowziya Abiikar Nuur oo dhawaan magaalada Roma ee xaruunta dalka Talyaaniga lagu gudoonsiiyay abaalmarinta qiimah badan ee Minerva oo la siiyo haweenka dunida ugu saamaynta badan, ayaa maanta kusoo guryo noqotay caasimadda dalka.
Kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo aad ugu faraxsanaa guusha ay gaartay, maadama ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee abaalmarintan ku guuleysta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cabdullahi Xaashi Cali ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ay sharaf u tahay abaalmarinta la guddoonsiiyay Wasiir Fowziya Abiikar Nuur oo uu ku tilmaamay inay shaqo wanaagsan qabatay.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta loo sameeyay, waxeyna dhinaca kale tilmaamtay in kulamo dhowr ah ay la qaadatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Talyaaniga oo ay ugu horeyso dhigeeda Dalka Talyaaniga oo ay ka wada hadleen horumarinta caafimaadka dalka iyo xoojinta xiriirka labada dal.