Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulankoodii labaad muddo toddobaad ah ku yeeshay xarunta maamulka Hirshabelle ee Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah Midowga Afrika , saraakiil ka socotay Urur goboleedka IGAD.

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

August 31, 2026

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midobaay ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen kulankii ay yeesheen.

“Waxaan ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin amniga, samafalka, guud ahaan xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka 2020ka.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

“Wadahadalo aad u qoto dheer ayaan yeelanay  annago dhinacyo badan ka hadalnay”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabelle.

Sidoo kale Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James  Swan oo hadlay ayaa yiri “Waxaan halkan nimid aniga iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD caasimadda Hirshabelle markii labaad ayaan nimid annagoo wadatashiyo la yeelanayno arrimaha Federalka iyo weliba doorashooyinka 2020.”.

“Waxaan la hadlaynaa dhinacyada kala duwan ee qeybaha bulshada, hogaamiyaasha bulshada si aan u ogaano fikradahooda la xiriira arrimaha doorashoyinka,horumarinta bulshada iyo ammaanka.”ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay James Swan.

Previous Post

Wasaarada Tamarta oo daah furtay shir looga hadlayo siyaasadda faya dhowrka biyaha dalka “SAWIRRO”

Next Post

15 diblomaasi Soomaali ah oo tababar macallinimo ku qaadanaya dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post
15 diblomaasi Soomaali ah oo tababar macallinimo ku qaadanaya dalka Qatar “SAWIRRO”

15 diblomaasi Soomaali ah oo tababar macallinimo ku qaadanaya dalka Qatar “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

August 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan diyaar-garowga iyo wax ka...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

August 31, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In