Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaarada Tamarta oo daah furtay shir looga hadlayo siyaasadda faya dhowrka biyaha dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaarada Tamarta oo daah furtay shir looga hadlayo siyaasadda faya dhowrka biyaha dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta daah furtay dib u eegis lagu sameynayo siyaasadda istaraatiijiyadda iyo qorshaha faya dhowrka biyaha Soomaaliya, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socday Wasaaradda Tamarta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Tamarta ee dowlad Goboleedka dalka ka jira ayaa looga hadlayaa in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda iyo faya dhowrka biyaha.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta Eng, Cali Maxamuud Xersi ayaa sheegay in siyaasadda biyaha ay aad iyo aad muhiim ugu tahay dalka, gaar ahaan habka dhaqan dhaqaale iyo horumarka dalka, isla markaana la isla meel dhigo qorshihii lagu dhaqan gelin lahaa arrimahaasi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo shirka daah furay ayaa ka qeyb galayaasha ka dalbaday inay si adag uga doodaan hannaanka loo wajahayo in siyaasad laga yeesho biyaha, iyadoo laga tixraacayo kii hore ee ay diyaarisay Wasaaradda.

“Barnaamijkan waxa uu socon doono muddo labo cisho ah, labadaas cisho waxaan rabnaa in wax badan laga eego siyaasadda oo markii hore ku qorneyd luuqad Qalaad, haatanna lagu soo turjumay Afka Hooyo, maanta waxaanu eegeynaa inay sax tahay oo ay is waafaqsanyihiin kii hore ee ay Wasaaraddu diyaarisay,  dadka ehelka u ah ayaa ka soo qeyb galay shirka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa intii u dhexeysay sanadkii 2016-2017 ka soo diyaarisay siyaasadda iyo faya dhowrka biyaha oo ku qornaa afka Qalaad, kaasi oo haatan lagu sameynayo dib u eegis maadaama lagu turjumay afka Hooyo, waxaana la filayaa in marka uu soo dhamaado loo gudbin doono Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In