Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo guddi gaar ah u saaray fatahaadda Afgooye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha shacabka oo guddi gaar ah u saaray fatahaadda Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii maleeshiyaadka Al-Shabaab xalay ka geysteen Hotelka SYL.

Xildhibaannada waxa ay sidoo kale ka hadleen fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle, gaar ahaan Degmada Afgooye, kuwaasi oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo, maadaama fatahaaddu ay barakacisay qoysas horleh.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in guddi gaar ah loo saari doono arrinta fatahaadda ee degmada Afgooye, kuwaasi oo la xiriiri doono cidda ay quseyso.si gurmad beni’aadannimo loo gaarsiiyo dadka ku barakacay fatahaadda, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka uu la shaqeyn doono guddiga.

Intaas kaddib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sii amba qaaday ka doodista Akhrinta labaad ee sharciga doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo dhiibtay aragtidooda ku aadan wax ka badalka qaar ka mid ah qodobada sharciga.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada sida hufan ee ay aragtidooda ku biirinayaan sharciga Doorashooyinka.

“Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Cabsi laga qabo in markale uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle ee Beladweyne

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo kaalmo gaarsiiyay dadkii ay saameeyeen fatahaadaha

Cabsi laga qabo in markale uu fatahaad sameeyo Webiga Shabeelle ee Beladweyne

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In