Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Madaxtooyada oo wada hadallo la yeeshay Danjiraha Jaamacadda Carabta iyo Madaxa IOM ee Afrika

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Madaxtooyada oo wada hadallo la yeeshay Danjiraha Jaamacadda Carabta iyo Madaxa IOM ee Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya  Danjire Xamuud Samraan Al-xuweydi ayaa ka guddoomay dhambaal ku wajahan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo uu soo diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Alqeyd.

Danjire Xamuud ayaa bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in dib u kabashada Soomaaliya iyo xoojinta dowladnimadeena ay ka mid tahay qorsheyaasha udub dhexaadka u ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Related posts

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

August 11, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026

Agaasime Fuursade ayaa la wadaagay Danjiraha Jaamacadda Carabta go’aammada iyo qorsheyaasha heer Qaran ee taariikhiga ah ee ku saleysan sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bahwadaagtooda Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale, Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kulan la qaatay Agaasime Goboleedka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) Mudane Mohamed Abdiker, waxa uuna kala hadlay hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo nolasha dhallinyaradii Soomaaliyeed ee Dowladdu ay ka soo deysay xabsiyada shisheeye.

Madaxtooyada iyo IOM ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo tayeynta Hay’adaha Soomaaliyeed ee shaqo-wadaagta la ah Hay’adda Socdaalka Adduunka, si looga hortago tahriibta iyo ka ganacsiga dadka.

Previous Post

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleeystay dhameeynta Dagaal Beeleed kataagnaa Gobolka Mudug.

Next Post

Muxuu yahay Nuxurka Hindise sharciyeedka doorashooyinka dalka ee dooddiisu ka socoto xarunta Gollaha shacabka

Next Post
Muxuu yahay Nuxurka Hindise sharciyeedka doorashooyinka dalka ee dooddiisu ka socoto xarunta Gollaha shacabka

Muxuu yahay Nuxurka Hindise sharciyeedka doorashooyinka dalka ee dooddiisu ka socoto xarunta Gollaha shacabka

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

August 11, 2026
0

NAFIS 2026 waa madal qaran oo diiradda lagu saarayo maalgashiga beeraha, wax-soo-saarka cuntada iyo xoojinta amniga cuntada Soomaaliya. Shirku wuxuu...

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In