Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta ee Jaamacadda Carabta

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta ee Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya.

Shirka 23-aad ee Caadiga ah ee Wasiirrada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca tiknolojiyada ah ee dalalka Carabta, iskaashiga Carabta iyo Shiinaha iyo horumarinta is-dhaafsiga aqooneed. Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay horumarinta iyo daahfurka dadaallo lagu dhiirigelinayo horumarinta tiknolojiyadda sida Madasha Maamulka Internetka, Tayenta Muxtawaha Carbeed ee Internetka, iyo qodobo kale.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Mudane Eng. Cabdi Cashur ayaa waxa uu sidoo kale ka qeybgalay daahfurka Bayaanka Wadajirka ah ee dalalka Carabta ee ku aaddan dhisidda Bulsho Carbeed oo casri (dijitaal) ah, taas oo sal adag oo waara leh, kuna nool horumar iyo baraare joogta ah, iyo sidi loogu jiheyn lahaa xagga horumarka, bulsho qof ahaan iyo guud ahaan dadka oo dhami ka wada faa’iideysan karaan si buuxda, uguna baraarugaan horumarkooda waara, islamarkaana u horumariyaan tayadooda nololeed, taas oo ku saleysan kuna qotonta ujeeddooyinka iyo Mabaadi’da Axdiga Jaamacadda Carabta.

Wafdiga Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeybgalay caleemo-saarka Caasimadda Carbeed ee Digitalka ah ee sanadkan, taas oo sanad walba loo aqoonsan doono magaalo ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta.

Dhinaca kale Wafdiga Wasiirka ayaa waxa ay sidoo kale kulamo doceedyo la qaateen qaar ka mid ah dalalka Carbeed ee ka soo qeybgalay dalka, si gaar ah dalalka Cuman kaas oo si gaar ah looga hadlay iskaashi dhinaca horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta ah iyo qodobo la xiriirra dhinaca ammaanka internetka.

Previous Post

Agaasimaha maamulka hey’adda lacagta aduunka oo soo dhaweysay horumarka iyo qorshaha deyn Dhaafka Soomaaliya

Next Post

IMF Managing Director Kristalina Georgieva Welcomes Progress Toward Securing a Financing Plan for Debt Relief for Somalia

Next Post
Agaasimaha maamulka hey’adda lacagta aduunka oo soo dhaweysay horumarka iyo qorshaha deyn Dhaafka Soomaaliya

IMF Managing Director Kristalina Georgieva Welcomes Progress Toward Securing a Financing Plan for Debt Relief for Somalia

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In