Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood cilmiyeed ku saabsan hannaanka nidaamka Federaalka oo lagu qabtay madaxtooyadda Qaranka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Dood cilmiyeed ku saabsan hannaanka nidaamka Federaalka oo lagu qabtay madaxtooyadda Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa daahfuray barnaamij ku saabsan fahamka Federaalka iyo ku wacyigalintiisa bulshada, iyada oo ay ka soo qayb galeen khubaro ku xeeldheer arrimaha Federaalka, qeybaha bulshada rayidka ah iyo saraakiil ka socotay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.

Kulanka intii uu socday, waxaa si xoogan looga dooday hannaanka federaalka ee dalka,muhiimada uu leeyahay iyo caqbadaha ku xeeran hirgalintiisa, iyadoona khubarada casharka bixineysa ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Abdullahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Dr Xuseen Maxamed Siyaad oo ka mid ah golaha dhaqaalaha Qaranka Soomaaliyeed ay si faahfaahsan u sharaxeen nidaamka federaalka iyo noocyadiisa si faham badan uga helaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana jiray su’aalo la xiriira Federaalka oo la waydiiyey khubarada .

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa dul istaagay ahmiyadda uu leeyahay fahamka bulashada ee nidaamka Federaalka, maadaama uu aasaas u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo midda amni ee dalka, waxa uuna tilmaamay in Dowladda ay dadaal xoogan ku bixineyso hirgalintiisa.

Madaxda iyo ka qayb-galeyaasha kale ee kulanka ayaa isla gartay in laga faa’iidaysto talooyinka khubaradan Soomaaliyeed ee ku xeel-dheer arrimaha Federaalka iyo in xog uruurin qotodheer laga sii sameeyo aragtiyaha kala duwan ee bulashada ay ka haystaan nidaamka Federaalka, si loo gaaro hannaan wacyigalineed ka turjumaya dhammaan aragtiyaha Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhegeyso: Aqoonyahan Cabdulqaadir Bashiir oo sharxay habka deyn cafinta caalamiga

Next Post

Halkee ayay maraysaa soo xulista xubnaha Baarlamaanka Galmudug.? “SAWIRO”

Next Post
Halkee ayay maraysaa soo xulista xubnaha Baarlamaanka Galmudug.? “SAWIRO”

Halkee ayay maraysaa soo xulista xubnaha Baarlamaanka Galmudug.? "SAWIRO"

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In