Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 21, 2019
in Wararka
0
Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa tababar ku saabsan ilaalinta Xuquuqda carruurta u qabatay howlwadeenno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya..

Tababarkan oo lagu baranayo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka iyo gobolka Banaadir, iyadoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Related posts

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

July 16, 2025
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

July 16, 2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Deeq Suleymaan oo tababarka maanta furay ayaa tilmaamay in ujeeddada tababarkan uu yahay sare u qaadidda aqoonta howlwadeennada dowladda ee la xiriirta ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba.

Agaasime Deeq Suleymaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka qeybgalayaasha tababarka kula dardaarmay in ay dhaqangeliyaan aqoonta ay ka kororsadaan tababarka la xiriirta ilaalinta xuquuqda carruurta.

Tababarka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa qeyb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ay ku horumarineyso ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Taliska ciidanka booliska oo shaaciyay in lagu guuleystay tayeynta ciidanka

Next Post

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ku bogaadiyay ciidanka booliska xoojinta amniga

Next Post
Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ku bogaadiyay ciidanka booliska xoojinta amniga

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ku bogaadiyay ciidanka booliska xoojinta amniga

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo qodi...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Sanadlaha 44-aad ee Guriyeynta Afrika

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Sanadlaha 44-aad ee Guriyeynta Afrika

July 16, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-udhiska iyo Guriyeynta, Mudane Saciid Maxamed Maxamuud-Xeyd iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka...

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In