Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo dalka Qadar uga qeyb galay shirka booliiska Wadamada Carabta+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo dalka Qadar uga qeyb galay shirka booliiska Wadamada Carabta+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  oo ku sugan magaalada Dooxa ee caasimadda Dalka Qatar ayaa shir muhim ah uga qeybgalay dalkaasi Qatar,isagoo sidoo kale  kulamo la yeeshey madaxda sare iyo saraakiisha dalkaasi.

Sida uu Wakaaladda Wararka (SONNA) uu u sheegay S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed,wuxuu ka qeybgalay shirka taliyeyaasha ciidamada booliiska dalalka Carabta oo Soomaaliya ay kujirto,waxaan ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen wadashaqeynta talisyada booliiska wadamada Carabta.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Dhanka kale shirkaasi waxaa qeyb ka ahaa ciyaartooy ka kala socotay ciidamada booliiska wadamada kaladuwan ee carabta,kuwaasi oo ka qeybgalay tartamo kaladuwan oosoomaaliyana koxdii ka socotay ciidanka booliiska ay kaalin wanaagsan ka galeen.

“Waxaan la kulanay wasiirka arrimaha gudaha ahna raiisul wasaaraha dalka Qatar, Al-sheekh Abdalla Bin Nasir Bin khaliifa Aala-Taani oo si rasmi ah u furay shiirka taliyeyaasha iyo cayaartooydii ka socotay wadamada carabta ciidamadoodi booliiska,aniga iyo 6 ciyaartooy ah oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaan ka qeybgalnay shirka taliyeyaasha ciidamada booliiska Dalalka Carabta,kaalin fiican ayayna taratanka ka galnay”. Ayuu yiri taliye Xijaar oo la hadlay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA).

Tartankan oo inta badan u dhexeeya ciyaartooyda kujirta ciidamada booliiska dalalka Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa lagu soo bandhigaa noocyo kaladuwan ee ciyaaraha sida Oradka,kubadda cagta iyo kuwo kale,waana markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay ka qeybgasho tartanka nuucaasi ah.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa dadaal xooggan ugu jiraa sidii horumar looga sameyn lahaa xiriirka wada shaqeeneed iyo midka iskaashi ee uu kala dhexeeyo talisyada kaladuwan ee ciidamada booliiska wadamada Carabta.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya+Sawirro.

Next Post

Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug oo Shuruudo ka soo saaray ka mid noqoshada Golaha Wakiillada Galmudug.

Next Post
Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug oo Shuruudo ka soo saaray ka mid noqoshada Golaha Wakiillada Galmudug.

Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug oo Shuruudo ka soo saaray ka mid noqoshada Golaha Wakiillada Galmudug.

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In