Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo howlo shaqo u joogto Qaaradda Yurub ayaa lacag ay ugu talagashay in wax loogu qabto dhinaca qalabka Xafiiska Warbaahint Qaranka uu ku leeyahay bartamada Yurub.
Wasiir Khadiija oo ka hadashay deeqda ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay isu gurmadaan meelkasta oo ay joogaan.
“Halkan wax weyn kuma jiraan, daruufaha ugu weyn maalin dhaweyd ayaan arkay wixii aan wax ka qaban karo, kun dollar waa waaye waana kaalmo aan ugu talagalay xafiiska SNTV ee bartamaha Qaaradda Yurub ee iga guddooma, ujeedka aan u bixinayo waa ka warqabka dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka meelkasta oo ay dunida ka joogaan sida ay uga go’antahay soo gudbinta iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed.
“Isku xirka danaha shacabka iyo dowladda waa muhiim, xaqiiq waxa aad bulshada u gudbineysaan waa wax aad u muhiimsan, Alle ha idin barakeeyo, waan dareemi karaa daruufta aad ugu adeegeysaan bulshada, waana gaarsiin doonaa marxaladda aad ku shaqeyneysaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo aan saaxiibo dhaw nahay, idinkuna sii xoojiya soo tebinta dhacdooyinka Yurub” ayay Wasiir Khadiija hadalkeeda ku soo gebo gabeysay.