Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii 12-aad ee islaamka ee Kampala ka socday oo looga baaqay in Shabaab dagaalkiisa loo midoobo.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Shirkii 12-aad ee islaamka ee Kampala ka socday oo looga baaqay in Shabaab dagaalkiisa loo midoobo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
Shirkii Islaamka ee 12-aad ee maalmahan ka socday magaalada Kampala oo ay ka qayb galayeen culumaa’udiin Soomaaliyeed oo caan ka ah gudaha Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi iyo Sh. Mustafa Xaaji Haaruun ayaa looga dhawaaqay in Cadowga Soomaaliyeed ee maalin walba daadinaya dhiiga Umadda Soomaaliyeed, meel looga soo wada jeesto.
Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiweli oo ah imaamka masjidka Towxiid ee Kampala ahna sidoo kale gudoomiyaha gudiga xarunta Islaamiga ah ee Towxiid ee shirka 12-aad soo abaabushay ayaa marka hore cambaareeyay falkii foosha xumaa ee lagu laayay umadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee shalay ka dhacay isgooyska ex contarol Afgooye ee Muqdisho.
Sheekh Maxamed oo ku hadlayay magaca shirka iyo magaca culumaa’udiinka kasoo qaybgalay shirka ayaa sheegay in aan maanta kadib loo dulqaadan karin laynta umaddeena Soomaaliyeed.
“Runtii waa dhibaato in maalin walba ama laba bil ama saddex bil kadib, dad intaa ah la xasuuqo, waxaana u baahanahay in aan dib isugu noqono, mas’uuliyadeedana dad gaar ah ma haysato, dhamaanteen (dal iyo dibad, rag iyo dumar, yar iyo wayn) waxaa u baahanahay in aan u istaagno, oo sidii loogu hortagi lahaa cadowga (Shabaab) loogu fakiro, waayo suuragal maaha in dad jira oo nool maalin walba sidaa loo xasuuqo iyaguna iska fiirsadaan ” ayuu yiri Sh. Maxamed Sh. Cabdiwali oo ku hadlayay magaca shirka
Sheekha ayaa ku tilmaamay kooxda arxanka daran ee Shabaab ee caadeysatay dagabar goynta shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin kuwa ku jira Jahli, Ilaahna umadda ka qabto, inta Illaah soo hanuuniyayna xaqqa Illaah tuso.
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ayaa ku baaqayay in loo midoobo la dagaalanka kooxdan iyagoona ka tacsiyeeyay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxii Shalay ee Ax Kontorool Afgooye inta dhaawaca ahna Illaah u booyo dhayo.
Fiidow Maxamuud Fiidow
Kampala Uganda
Previous Post

Qaar ka mid ah Dhaawacyada Qarixii Shalay oo iminka laga qaadayo Garoonka Magaalada Muqdisho.

Next Post

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay oo Dalka Turkiga loo qaaday.

Next Post
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay oo Dalka Turkiga loo qaaday.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay oo Dalka Turkiga loo qaaday.

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

Kulanka Ciidanka Boliiska oo looga hadlay amniga iyo qodobbo kale oo muhiim ah

Kulanka Ciidanka Boliiska oo looga hadlay amniga iyo qodobbo kale oo muhiim ah

April 17, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan C/Laahi ayaa shirguddoomiyay kulan todobaadle ah oo loo qabtay saraakiisha  hoggaanada ciidanka Boliiska...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In