Shirkadaha Ganacsiga, Hey’adaha dowladda ee bixiyaha adeegyada lagu qaado canshuuraha iyo howlwadeena dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ee sida wanaagsan u shaqeeyay ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiay xafladan, si loo dhiira geliyo doorkii ay ka qaateen sara u kaca dakhliga dalka.
Kulanka waxaa kale oo ay Wasaaradda Maaliyadda ku daah furtay sharciga maamulka dakhliga oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta iyo qeybihii bulshada ee ka qeyb galay ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku bogaadiyay kobcinta dakhliga iyo garashada abaal marinta canshuur bixiyayaasha wanaagsan.
Taliyaha Hogaanka Canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda ay ku timid sare u kaca dakhliga, ayna arrintaasi xoojin doonaan.
Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle ayaa ku dhiira galiyay Wasaaradda Maaliyadda dadaalka kordhinta dakhliga.
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo u mahadceliyay canshuur bixiyayaasha ayaa tilmaamay in kordhinta dakhliga ay ku timid dadaal wadajir ah oo hogaanka dalku hormuud ka ahaayeen, ayna sii xoojin doonaan sare u qaadidda dakhliga dalka.
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ayaa balan qaaday inay xoojinayaan hufnaanta maaliyadda iyo islaxisaabtanka si dalka uu u gaaro isku filnaan.