Sunday, November 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Maxaa laga fahmi karaa Sheegashada Al-Shabaab ee Xasuuqii Muqdisho.?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Maxaa laga fahmi karaa Sheegashada Al-Shabaab ee Xasuuqii Muqdisho.?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen inay masuul ka ahaayeen weerarka.

Cod laga soo duubay Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo la baahiyay ayaa waxaa ka muuqatay sida Argagixisadu ay ugu faraxsantahay daadinta dhiiga Dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025

Hadaba maxay yihiin Arrimaha ugu waawayn ee laga fahmi karo sheegada Alshabaab.?

-Waxeey qirteen xasuuqa dad biramagayda ah oo u badnaa danyar,

Iyadoo la ogyahay in maleeshiyadaan ay ka  dhuuman jirtay sheegashada xasuuqyadaan oo kale marka ay geystaan sida xasuuq 14 October laakiin maanta waxay marayaan heer ay ku faanaan leenta shacabka.

– Waxay muujiyeen sida ay u banaysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxayna been ka sheegeen ayaadaha Qur’aanka iyo Axaasiis ay si khalad ah ugu qiilsadeen gefkooda.

– waxeey muujiyeen in ay Turkida kula dagalaansanyihiin adeegyada horumarineed ee ku taageerayaan dadka Soomaaliyeed.

Hadaba Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed.?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay dhexdooda is cafiyaan, sidoo kalana cadowgooda ay hal meel uga soo wada jeestaan.

Sheekh Cali Maxamuud “Sheekh Cali Wajiis” ayaa sheegay in Argagixisada Al-Shabaab haatan ay meeshii ugu danbaysay marayso taas oo keenaysa in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan inay halmeel ugu soo wada jeestaan dhagartooda.

Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka bahalnimada ah ee Al-Shabaab aanan indhaha laga qabsan Karin, haatan wixii ka danbeeyana loo baahanyahay in dowladda iyo Shacabka  ay ka wada shaqeeyaan ka hortaga maleeshiyadaan Diinta ku soo duushay.

“Waxaa ayaan daro ah in maleeshiyadaan ay ku dhiiranayaan inay ku faanaan xasuuqa ku dhowaad 100 Qof oo shacab ah, iyagoo waliba anaan sheegayn inay wax gacan ah siinayaan dadka dhaawacyada ah.” Sidaasi waxaa yiri Aqoonyahan Cabdicasiis Axmed.

 

W/Q: Maxamedkafi Sheekh Abuukar.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Dhuusamareeb gaaray

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaasi oo sanadkan si gaar ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In