Maanta oo Arbaco ah kuna beegan 08 01 2020 waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaaa uu Ajanduhu yahay Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo Dhawrka.
Sharcigaan ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ayaana sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya.