Friday, December 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii 28-aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta oo ajandihiiusa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise- Sharciyeedka Howlgabnimada, ayaa waxaa shir guddoominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Fadhiga  Golaha Aqalka Sare waxaa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa Golaha ka hor Akhriyay Hindise- Sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Senatorada qaarkood ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo kuwa kalana fikir ku aadan da’da ciidanka iyo xaqsiintooda u gudbiyay Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa su’aalaha ka jawaabay, isagoo dhinaca kale sheegay in uu qaadan doono afkaarta iyo tallooyinka ay Xildhibaannada qaar soo gudbiyeen.

Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmad oo fadhiga soo xiray ayaa sheegay in guddiga Difaaca Aqalka Sare uu uga mahadcelinayo sida fiican ay ula shaqeeyeen.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo sharxay muhiimadda ay argagixisadu u lahayd deegaanka Toorotoorow

Next Post

Fursado Shaqo: Ministry of Justice & Judicial Affairs

Next Post

Fursado Shaqo: Ministry of Justice & Judicial Affairs

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In