Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 12, 2020
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

Previous Post

Xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Next Post
Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In