Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026

“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

Previous Post

Xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga askareynta carruurta oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Next Post
Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In