Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay maamulka Degmada, dhallinyarada, Cayaartoyda iyo bahda fanaaniinta.

Soo dhoweyn kaddib maamulka Gobalka iyo kan Degmada ayaa si wadajir ah Wasiirka iyo wefdigiisa ugu soo dhoweeyay Degmada, iyagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin socdaalkooda.

Related posts

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026

“Anaga ka maamul ahaan waxan bixin doonaa goobtii xaruunta loogu dhisi lahaa dhallinyarada ay helaan fursado lagu horumarinayo waxayna u baahanyihiin in tababaro loo furo horyaalo kubada cagta iyo kubada kolleyga loo qabto xudur, waxaan ka dhisan kooxo badan oo cayaartoy ah, Wasiir waxan kaa codsanaynaa inaad wax ka qabato baahiyaha ay qabaan dhalliryarada iyo isboortiga degmada xudur” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada ee Koonfur Galbeed ee soo gaaray Xudur.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cali dhuux ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto la kulanka dhallinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada si ay u dhageystaan baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

“Maanta waxan halkaan u imid in aan la kulano bahda dhallinyarada iyo cayaartoyda, waxaan ka xogwaresan doonaa horumarka ay sameeyeen, waxan qiimeyn doonaa baahiyaha ay qabaan, waxaan dhisi doonaa xarun dhaxal gal ah oo ay isugu yimaadaan dhallinyarada Degmada Xudur si fikirkooda ay isugu gudbiyaan su’aalona ay isku weydinkaraan isdhexgalna ay ugu sameeyaan” ayuu  yiri Wasiir Cali dhuux

Muddada ay joogaan Wasiirka iyo Wafdigiisa waxay qaban doona koob lagu dhiiri gelinayo Nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku nool degmada Xudur.

Previous Post

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Ka Hadlay Xaaladda guud ee Amniga Dalka

Next Post

Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Next Post
Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

May 24, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In