Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar arbushaad ah ku soo qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ayaa SONNA u sheegay in Koxda Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose,markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Ciidamada oo ka feejignaa dhagarta Alshabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen kooxaha jid iyo jahadiidka ah ee Alshabaab,balse jab xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi.

Dhanka kale ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Qoryooley ku qabsadey dhowr deegaan,waxaana kamid ah deegaanada Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad,kuwaasi oo dhamantoodi hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose,waxaana jira in dad nool laga qabsaday Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim ayaa Wakaaladda SONNA u sheeegay in ciidamada dowladda ay howlgal ballaaran ay halkaasi ka fuliyeen ay ku guuleysteen in ay kala wareegaan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa mudooyinkii ugu dambeyeey sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshababa,kuwaasii oo awooddi ay sii wiiqmayso.

Previous Post

Foreign minster receives the new reperesentative of WHO to Somalia

Next Post

Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya

Next Post
Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya

Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In