Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

caqiil by caqiil
February 19, 2020
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar arbushaad ah ku soo qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ayaa SONNA u sheegay in Koxda Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose,markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ciidamada oo ka feejignaa dhagarta Alshabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen kooxaha jid iyo jahadiidka ah ee Alshabaab,balse jab xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi.

Dhanka kale ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Qoryooley ku qabsadey dhowr deegaan,waxaana kamid ah deegaanada Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad,kuwaasi oo dhamantoodi hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose,waxaana jira in dad nool laga qabsaday Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim ayaa Wakaaladda SONNA u sheeegay in ciidamada dowladda ay howlgal ballaaran ay halkaasi ka fuliyeen ay ku guuleysteen in ay kala wareegaan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa mudooyinkii ugu dambeyeey sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshababa,kuwaasii oo awooddi ay sii wiiqmayso.

Previous Post

Foreign minster receives the new reperesentative of WHO to Somalia

Next Post

Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya

Next Post
Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya

Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In