Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha KG oo Baydhabo ka furay shir Ku saabsan horumarinta Xoolaha

caqiil by caqiil
February 19, 2020
in Wararka
0
Madaxweynaha KG oo Baydhabo ka furay shir Ku saabsan horumarinta Xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiiradda Xanaanada Xoolaha ee maamul goboleedyada, xubno ka socday gobolka Banaadir , aqoonyahano iyo ururo kala duwan ayaa ka qeyb galay shirkan wadatashiga ah oo looga hadlay arimo ku saabsan mashruuca horumarinta Xoolaha oo ay maalgeliyeyn Midowga Yurub EU gaar ahaan qeybta Horumarinta Xoolaha.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, ayeey ka qeybgalyaashu uga doodeen qaabka ugu haboon ee loo fulin karo mashruucan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shirka furay ayaa sheegay in mashruucan uu muhiimad weyn xambaarsanyahay maadaama dadka Soomaaliyeed ay u badanyhiin dad Xoolo dhaqato ah , wuxuuna ku taliyey in laga wada shaqeeyo horumarinta Xoolaha oo qeyb weyn ku leh dakhliga soo koraya ee dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugudabayntii wixuu Hadalkiisa kusoo gunaanaday “shirkan inta uu idiin socdo waxaa muhiim ah inaad isla ogolaataan baahida Muhiimka ee lagu horumarinaayo xoolaha, Daaqooda,Waraab kooda, Caafimaad kooda iyo Nolosha Xoolo dhaqatada Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed oo aad ugu tiirsan xoolaha wuxuuna yiri
“ Waxaa farxad weyn ii ah, in aan maanta idiinkala soo qaygalo geeddi-socodkan muhiimka ah ee ee Barnaamijka Dhamaystiran ee Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanada Maxalliga ah (ILED) ee Qaybtiisa Horumarinta Xoolaha si aad uga doodaan una Xulataan Qeybaha Muhiimka ah ee istiratijiyada Horumarinta Xoolaha Soomaaliyeed ee aan sanadkii 2019 si wadajir ah uga wada shaqaynay samynteeda. Mudnaantana aad siisaan habka ugu haboon ee loo adeegsanayo hirgelinta Mashruuca ay noogu deeqday Midowga Yurub EU ee Horumarinta Xoolaha Soomaaliya “

Shirka oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa la filayaa inay kasoo baxaan qorshe loo dhanyahay oo ay Dowlad gobleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Fedraalka ay mid walba ku darsadaan taladooda iyo baahidooda si mashruuca qorshaha loo wada dhan yahay loogu fuliyo.

Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Degmada Jilib

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika...

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In