Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saldhigga Booliiska Degmada Cadale oo Xarigga laga jaray kaddib dayac-tir lagu sameeyay+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Saldhigga Booliiska Degmada Cadale oo Xarigga laga jaray kaddib dayac-tir lagu sameeyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Md; Maxamed Cabdiraxmaan kheyre ayaa Maanta Xarigga ka jaray Saldhigga Booliska Degmada Cadale oo dib u dayac-tir ballaaran lagu sameeyay.

Dib u dhiska iyo dayac-tirka ay Wasaaradda amniga Hirshabeelle ku sameysay Saldhigga Degmada Cadale ayaa waxaa Gacan ballaaran ka geystay hay’adda IOM iyo AMISOM, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Wasiirku.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025

Wasiirka ayaa ugu mahad-celiyay IOM kaalinta ballaaran ee ay ka qaadatay horumarinta kaabayaasha Dowladda oo ay ugu horreeyaan dhsimayaasha Xarumha muhiimkau u ah Hirshabeelle.

“Waxaa marka hore u mahadcelinayaa hay’adda IOM oo runtii si weyn isagu howshay horumarinta adeegyada muhiimka u ah Hirshabeelle, xaqiiqdii sharaf iyo farxad ayay innoo tahay in Maanta aan si rasmi ah u daah-furno Saldhigga cusub ee Degmada Cadale oo loogu adeegi doono Bulshada ku nool halkan” ,ayuu yiri wasir Kheyre.

Saldhiggan cusub ee ay yeelaneyso Degmada Cadale waxaa ku shaqayn doona Booliiska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ay taageerayaan Ciidamada AMISOM.

Wasaaradda amniga gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa wadday dar-dar gelinta dhismaha iyo dib u dayac-tirka Saldhigyada degaannada Hirshabeelle, si uu maamulku wax uga qabto hanashada nabad-gelyada iyo fulinta baahiyaha kala duwan ee Bulshada.

      

Previous Post

Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay in ka badan 45 arday oo ku biirtay Jaamacadda Cavendish

Next Post

Ciidanka XDS oo la wareegay Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Next Post
Ciidanka XDS oo la wareegay Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Ciidanka XDS oo la wareegay Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025
0

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

November 24, 2025
0

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In