Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kulanmuhim ah la qaatay Wasiirka Wasaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dalka Suudaan Sareeya Gaas Aldareefi Idriis Dafcala.
Kulan-ka labada Wasiir ayaa waxa goob-joog ka ahaa danjiraha safaradda Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Madaxa-ganacsiga ee safarada Yusuf Jeego iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaradda arrimaha Gudaha ee dalka Suudaan.
Labada Wasiir waxa ay ka wada hadleen xiririrka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dowladood, waxaana diiradda lagu saaray isu socod-ka iyo sharciga deganaanshaha ee labada dowladoodba, isagoo ka dalbaday Wasiirka Wasaradda arrimaha Gudaha in shacabka ku nool dalka Suudaan loo fududeeyo deganaanshaha dalkan.
Waxa sidoo kale laga wada hadlay in la xoojiyo xirirka labada dowladood, iyadoo si buuxda la isaga kaashanayo dhamaan laamaha amniga
Gebabadii kulanka labada Wasiir ayaa ku soo dhamaday jawi is afgarad xambaarsan, lagana filanayo natiijooyin wax ku ool ah oo faa’iido u leh labada shacab ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Suudaan.