Galabta 10-ka Maarso, 2020. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa weerar cirka ka sameeyey agagaarka magaalada Jannaale ee Soomaaliya.
Duqeyntan la soo agaasaimay ayaa lagu dilay shan (5) ka tirsan argagaxisada Alshabaab iyo hal gaari oo laga gubay. Weerarradan duqeynta cirka ayaa wiiqaya awoodda Alshabaab ku sameynkaraan qorshayn iyo hawlgallo ka dhan ah DFS iyo shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa qaadaya tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu ilaalinaayo waxyeello soo gaadha shacabka inta lagu gudajiro dagaalka ka dhanka ah kooxda argagaxisada Alshabaab oo xiriir la leh Alqaacida, iyada oo si buuxda loo baarayo eedayn walba oo soo yeerta.
Ilaa imanka ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weererkan isaga ah.
Duqeyntan ayaa ah mid lagu taageerayo dadaalada DFS ay uga takhalusayso gabood fallada Alshabaab iyo in mustaqbal wanaagsan loo sammeeyo dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamadeeda kala duwan ee Xooga Dalka, Danab iyo saaxiibadooda Mareykanka ayaa waxaa ka go’an la dagaalanka argagixisada Alshabaab si loo baajiyo dhimashada soo gaadha dadka rayidka ee leh rag, dumar iyo carruurta ku dhaqan Soomaaliya iyo dalalka dariska ah. Dadaaladan waxaa looga gol-leeyahay in lagu dhawro dadka rayidka, taa waxay aad uga duwantahay weerarrada aan loo meeldayin ee ay fuliyada Alshabaab la beegsadaan meelaha shacabka ku badanyihiin ee Soomaaliya.
Maadaama aan u dabbaaldegayno bishii Maarso ee xormeynta haweenka Soomaaliyeed, aan xusuusanno gabood falka ay fuliyada Alshabaab u gaysteen haweenka. DFS iyo saaxiibadooda Mareykanka ayaa si adag u garab istaagaya xoojinta haweenka dowrkooda ay uga qaybqaadanayaan ganacsiga, dhaqanka, siyaasadda iyo xataa ka qaybgalkooda ciidanka Xoogga Dalka iyo DANAB. Haweenka Soomaaliyeed ayaa lafdhabar u ah dagaalka lagula jiro argagaxisada Alshabaab.