Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay wehliyaan guddoomiyaha guddiga Arrimaha Bulshada iyo Habdhowrka golaha ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaano ka socday Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle,waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka uu Xildhibaanadan iyo guddoonkooda uu warbixin kooban ka siiyay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Golayaasha xeer dejinta Dalka.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaanadda ka socday Galmudug iyo Hirshabeele oo ay hogaaminayaan guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug Faaduma  Cabdi Cali ‘’Faandhe’’ ayaa ugu horeyn kormeeray dhamaan xafiisyada xarunta Villa Hargeysa oo ay ku jiraan xafiisyada guddiyada Golaha Shacabka, sidoo kalena waxa kormeer ay ku sameeyeen xarunta KMG-ka ah ee uu goluhu sida guud ugu shiro iyo guud ahaan qeybaha ay ka koobantahay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug Faaduma  Cabdi Cali ‘’Faandhe’’ oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka uga mahad celiyay soo dhoweyntiisa iyo sidoo kale kormeerka ay ku sameeyeen Xarumaha iyo xafiisyada golaha shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in golaha shacabka uu diyaar u yahay in kor loo qaado aqoonta iyo tayada xildhibaanada Dowlad goboleedyada sidoo kalena ay muhiim tahay wada shaqeynta golayaasha xeer dejinta Dalka,wuxuuna dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay ilaaliyaan qoondada Dumarka ee Baarlamaanadooda.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha ayaa Xildhibaanada ka socday Galmudug iyo Hirshabeelle guddoonsiiyay Buugaagta Dastuurka Qaranka, buug faah faahinaya howlaha Baarlamaanka iyo sidoo kale buug kale oo ka hadlaya taariikda Baarlamaanadii guud ahaan dalka soo maray.

Previous Post

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay howlgal laga fuliyay Jannaale

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In