Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay wehliyaan guddoomiyaha guddiga Arrimaha Bulshada iyo Habdhowrka golaha ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaano ka socday Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle,waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka uu Xildhibaanadan iyo guddoonkooda uu warbixin kooban ka siiyay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Golayaasha xeer dejinta Dalka.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaanadda ka socday Galmudug iyo Hirshabeele oo ay hogaaminayaan guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug Faaduma  Cabdi Cali ‘’Faandhe’’ ayaa ugu horeyn kormeeray dhamaan xafiisyada xarunta Villa Hargeysa oo ay ku jiraan xafiisyada guddiyada Golaha Shacabka, sidoo kalena waxa kormeer ay ku sameeyeen xarunta KMG-ka ah ee uu goluhu sida guud ugu shiro iyo guud ahaan qeybaha ay ka koobantahay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed iyo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug Faaduma  Cabdi Cali ‘’Faandhe’’ oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka uga mahad celiyay soo dhoweyntiisa iyo sidoo kale kormeerka ay ku sameeyeen Xarumaha iyo xafiisyada golaha shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in golaha shacabka uu diyaar u yahay in kor loo qaado aqoonta iyo tayada xildhibaanada Dowlad goboleedyada sidoo kalena ay muhiim tahay wada shaqeynta golayaasha xeer dejinta Dalka,wuxuuna dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay ilaaliyaan qoondada Dumarka ee Baarlamaanadooda.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha ayaa Xildhibaanada ka socday Galmudug iyo Hirshabeelle guddoonsiiyay Buugaagta Dastuurka Qaranka, buug faah faahinaya howlaha Baarlamaanka iyo sidoo kale buug kale oo ka hadlaya taariikda Baarlamaanadii guud ahaan dalka soo maray.

Previous Post

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay howlgal laga fuliyay Jannaale

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In