Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo La Kulmay Madaxa Hay’adda UNIDO ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo La Kulmay Madaxa Hay’adda UNIDO ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia oo wada-shaqeyn xooggan kala dhaxayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay kulanka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane. Daahir Cabdi Cabdullaahi, Agaasimaha Guud mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyaha Wasaaradda Axmed Cilmi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxay ka wad-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada ay ka wada-shaqeeyaan gaar ahaan horumarinta Ganacsiga dalka, fududeynta Ganacsiga, dayac-tirka dhismaha Wasaaradda iyo weliba sidoo kale dhismaha xarunta Wasaaradda Warshadaha oo dhawaan la bilaabi doono taasi oo dhismihiisa Wasaaraddu ay ka taageeri doonto hay’adda UNIDO.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026

Mr. Ygor Scarcia oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wada-shaqeynta dhow la lee yihiin Wasaaradda Ganacsiga isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan siddii loo horumarinta lahaa Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka. Wuxu balan-qaaday inay diyaar u yihiin dhisidda xarunta Wasaaradda Warshadaha iyo sidoo kale horumarinta Ganacsatada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu hay’adda UNIDO uga mahadceliyey wada-shaqeynta dhow ee ay la lee yihiin Wasaaradda, mashaariicda ay ka taageeraan, dib-u-dhiska ay ku sameeyeen Wasaaradda iyo taageeraddooda tooska ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin.

Previous Post

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray Magaaladda Baraawe.

Next Post

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo laga shiray

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo laga shiray

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In