Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo kormeerey Tuulada Cayaaraha oo dib u dhis lagu sameeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo kormeerey Tuulada Cayaaraha oo dib u dhis lagu sameeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa maanta kormeer ku tagay Tuuladda Cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo hada gabo gabo maraya dib u dayactir iyo qurxin lagu waday.

Guddoomiyaha ayaa kormeeray dhamaan qeybaha uu garoonkan ka koobantahay sida qeybta kubada cagta oo qeybo ka mid ah roogii la fidiyay, tarabuunka ama qeybta loogu talo galay taageerayaasha iyo Madaxda daawashada cayaaraha dhacaya kasoo qeyb galeysa iyo qeybaha kale ee garoonka sida qolalka labiska cayaartoyda iyo hool loogu talo galay in ay shirarku ka dhacaan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka iyo madaxdii kale ee la socotay uga warbixiyay marxalidihii uu dib u dhiska garoonkan soo maray iyo qeybaha uu ka koobantahay.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Jowhar ayaa guul u soo wada hooyatay Ummadda Soomaaliyeed ku tilmaamay in dib loo soo nooleeyo garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in diyaarinta meelaha is dhexgalka bulshada muhiimka u ah sida garoonkan oo kale ay qeyb ka tahay horumarada uu Dalka gaarayo ,Sidoo kalena uu dalkeena Hada horumaro Badan ka gaaray cayaaraha kala duwan sida kubada Cagta.

“Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, Agaasimaha Guud Isaaq Xaashi, Maamulka iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda dhamaantiin naga guddooma mahadnaq iyo boogaadin. Waxaan soo aragnay horumar iyo rajo aan la qiyaasi karin. Insha Allah 1da Luulyo 2020 waxaanu ku damaashaadi doonaa Stadium Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daah-furtay Mashruuca Caafimaadka Dhimirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Qalalaasuhu Saameeyeyn “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka difaaca ee dalka oo ka waramay howlgallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka “Dhageyso”

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay ku noqoshada qoondada Miisaaniyadda Dowladda 2019 “SAWIRRO”

Wasiirka difaaca ee dalka oo ka waramay howlgallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka “Dhageyso”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In