Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Kenya oo sheegay in la bilaabay howlgal cusub oo ka dhan ah Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, Nicholas Ndalana ayaa xaqiijiyay in ciidanka sida gaarka u tababaran ee dalka Kenya ay u suuragashay in ay dilaan lix ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, midna ay ku qabtaan nolosha.

“Ciidamadda gaarka ah waxaa u suuragashay in ay nolosha ku qabtaan qof ka mid ah kooxda Al-Shabaab ah oo dhaawacan. Hadda waa la daweynayaa, waxaana rajeynayaa in uu gacan inaga siin doono baaritaanada’’ ayuu yiri Mr Ndalana.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026

Waxuu intaasi ku daray in dagaalka lagu dilay xubnaha Al-Shabaab, laguna qabtay midka nool in uu dhacay waaberiga maanta ee Jimcaha ah.

“Waxaan tuhunsanahay in mid kale oo dhaawac uu baxsaday, waana soo qaban doonaa ,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Garrisa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in halka dagaalka uu ka dhacay ay tahay meel shacabka dhibaato lagu gaarsiin jiray iyada oo iminka booliska ku hayaan roondo joogta ah.

Dhacdadan ayaa timid maalin un kaddib, markii labo ruux lagu dilay halka mid kalana la sheegayo in la la’yahay ka dib markii argagixisada Al-Shabab weerar ka geysatay magaaladda Mandera.

Madax booliska Mandera Jeremiah Kosiom ayaa xaqiijiyay in argagixisada Al-Shabaab weerar gaadma ah ku qaadeen gawaari mareysa aaga Jabibar ee wadada isku xiriirisa  Rhamu-Elwak.

Labadii bilood ee ugu dambeysay dad aan waxba galabsan oo gaaraya 20 qof ayaa ku geeriyootay, weerarada maleeshiyada Al-Shabaab ka geysteen gobollada Kenya ee u dhow xadka Soomaaliya.

Inta u dhaxeysa bilaha Janaayo iyo Febraayo, lix iyo toban weeraro ayaa lagu qaaday gobollada  Garissa, Mandera, Wajeer iyo Lamu.

 

 

Previous Post

Suldaanka Cummaan oo waraaqihiisa Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi Cabdiwali Jeylaani +Sawirro

Next Post

Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka

Next Post
Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In