Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada booliska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka ku guuleystay Inay gacanta Kusoo dhigaan Jaakad Nooca Qaraxyada loo isticmaalo oo kooxaha dhagar qavayaasha ay rabeen in ay ku wax yeeleeyaan bulshada magaalada.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Mudug G/Dhaxe Qaasim Sheekh Doon Cali Oo la Hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgal Lagu Soo Qabtay Jaakadaan Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo lagu qariyay mid ka mid ah xaafadaha magaalada.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

“Waxaan maalmahaan wadnay howl-gallo lagu sugayo  Ammaanka magaalada inagoo ka sameeyneyna dhammaan xaafadaha sidaa daraadeed waxaa inoo suura gashay inaan gacanta kusoo dhigno  Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo la dhigay goob luuq ah oo ku taallo xaafaada Wadajir ee magaalada Gaalkacayo” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, oo Isna La hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa bogaadiyay dadaalka ciidanka booliiska ee ku Aadan Sugida Amniga.

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada booliska sida ay u sugayaan Amaanka iyagoo kaashanaya shacabka,sidoo kale waxaan bulshada magaalada ka codsaneynaa inay soo sheegaan cidkasto oo ay u arkaan inay falal amni daro ay kawadox  magaalada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal.

Maalmihii ugu dam-beeyay waxa ay Ciidamada Amaanka ay Magaalada Gaalkacyo ka wadeen howl-gallo xoogan oo lagu sugayo amniga kuwaasi oo ay iska kaashanayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada ,Maamulka Magaalada iyo qeybaha bulshada.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo dib u siisay Xurriyadooda rag uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii Afgooye

Next Post

Shir Deg Deg oo looga hadlayo Caabuqa Covid-19 oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post
Shir Deg Deg oo looga hadlayo Caabuqa Covid-19 oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Shir Deg Deg oo looga hadlayo Caabuqa Covid-19 oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In