Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Tuulooyin Hoostaga Janaale ku dilay 18 isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 19, 2020
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kaabiga Kuhayo Degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal qorsheysan oo caawa ay ka sameeyeen Kumaandooska Xoogga dalka tuulooyinka Buulo Urunji,   Malable,   Tawakal, oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayay ku dileen 18 isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka howlgalka lagu dilay ayaa ku dhuumaaleeysanayay dhulka hawdka ah ee ku yaala tuulooyinka kor ku xusan.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka sida u sheegay howlgalka inuu yimid kadib markii dadka degaanka ay ku soo wargaliyeen maleeshiyaadka dhuumaaleysanayay islamarkaana ay qaadeen howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Kumaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor iyo Danab.

Jeneraal Cabdixamiid ayaa tilmaamay horjoogayaasha ladilay oo gaaraya sadax ay magacyadooda dib ka soo sheegi doonaan balse mid ka mid  oo lagu magacaabo Muxudiin Sheekh Cabdi (Al-Anzaari)  uu dhagarqabayaasha u qaabilsanaa inta u dhexeyso Janaale iyo Awdheegle.

“Sidii Janaale aan u xoreynay waxaan wada shaqeeyn dhow la yeelanay dadka deegaanka, kuwaasi oo noo soo gudbiya xogta cadawga, maadaamaa dhibaato badan argagixisadu ay ku hayeen muddadii ay joogeen degaanka cabsidii Al-Shabaab waxaan ugu badalnay soo dhaweeyn iyo naxariis walaaltinimo.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka.

Previous Post

Wasaaradda Shaqada XFS oo hakisay xaadiridda xafiisyada Shaqaalaha Dowladda

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Yemen siyaabaha iskaashi wadaagga labada dal “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Yemen siyaabaha iskaashi wadaagga labada dal “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Yemen siyaabaha iskaashi wadaagga labada dal “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In