Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Tuulooyin Hoostaga Janaale ku dilay 18 isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kaabiga Kuhayo Degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal qorsheysan oo caawa ay ka sameeyeen Kumaandooska Xoogga dalka tuulooyinka Buulo Urunji,   Malable,   Tawakal, oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayay ku dileen 18 isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka howlgalka lagu dilay ayaa ku dhuumaaleeysanayay dhulka hawdka ah ee ku yaala tuulooyinka kor ku xusan.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka sida u sheegay howlgalka inuu yimid kadib markii dadka degaanka ay ku soo wargaliyeen maleeshiyaadka dhuumaaleysanayay islamarkaana ay qaadeen howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Kumaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor iyo Danab.

Jeneraal Cabdixamiid ayaa tilmaamay horjoogayaasha ladilay oo gaaraya sadax ay magacyadooda dib ka soo sheegi doonaan balse mid ka mid  oo lagu magacaabo Muxudiin Sheekh Cabdi (Al-Anzaari)  uu dhagarqabayaasha u qaabilsanaa inta u dhexeyso Janaale iyo Awdheegle.

“Sidii Janaale aan u xoreynay waxaan wada shaqeeyn dhow la yeelanay dadka deegaanka, kuwaasi oo noo soo gudbiya xogta cadawga, maadaamaa dhibaato badan argagixisadu ay ku hayeen muddadii ay joogeen degaanka cabsidii Al-Shabaab waxaan ugu badalnay soo dhaweeyn iyo naxariis walaaltinimo.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka.

Previous Post

Wasaaradda Shaqada XFS oo hakisay xaadiridda xafiisyada Shaqaalaha Dowladda

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Yemen siyaabaha iskaashi wadaagga labada dal “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Yemen siyaabaha iskaashi wadaagga labada dal “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Yemen siyaabaha iskaashi wadaagga labada dal “SAWIRRO”

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In