Monday, October 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin kormeer ku tegey deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 23, 2020
in Wararka
0
Mas’uuliyiin kormeer ku tegey deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Galmudug oo ay wehliyaan saraakiisha Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugida ee heer Degmo iyo Xubno ka tirsan Maamulka Degmada ayaa kormeerkii ugu horeeyey ee Maamulka cusub ku gaaro meel ka baxsan magaalada Dhusamareb  oo ay ku tageen Deegaanka Ceel-dheere oo ka mid ah  Deegaanada hoostaga Dhuusamareeb .

Kormeerkan ayaa la xiriira sidii loo hagaajin lahaa Maamulka Deegaankaasi, iyadoo wadatashi mug leh lala sameynayo waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada .

Related posts

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka

October 6, 2025
Wajiga koowaad wadahadalladii ka socday kismaayo oo lasoo gaba-gabeyay

Wajiga koowaad wadahadalladii ka socday kismaayo oo lasoo gaba-gabeyay

October 6, 2025

Xubnaha Maamulka waxaa deegaanka Ceel-dheere ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Deegaanka, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo kaga xog waramay guud ahaan culeesyada wax ka qabashada u baahan, waxaana goobtaasi ugu horeyn ka hadley Gudoomiyaha Ceel-dheere Cabdullaahi Cabdiraxmaan Raage  iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka .

Dhamme Burhaan Axmed Rooble Taliyaha Booliska Dhuusamareeb oo isna goobta ka hadley ayaa bulshada deegaanka u diray fariin Amniga la xiriirta, isagoo ka dalbadey shacabku in ay la shaqeeyaan  laamaha Amaanka .

Cabdicasiis Aadan Afrax Xoghayaha Maamulka Dhuusamareeb iyo Gudoomiyaha Caasimada Galmudug Macalin Cabdiraxmaan Cali  Maxamed Geeda-qorow oo ugu dambeyn la hadley bulshada Deegaanka Ceel-dheere ayaa waxay u balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan horumarka deegaanka.

 

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo burburiyay saldhigyo maleeshiya Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka

October 6, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS, Mudane Sadad Alio, ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 76-aad ee...

Wajiga koowaad wadahadalladii ka socday kismaayo oo lasoo gaba-gabeyay

Wajiga koowaad wadahadalladii ka socday kismaayo oo lasoo gaba-gabeyay

October 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo maalnimadii shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta...

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose

October 6, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaadka Khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.   Geesiyaasha Ciidanka Xoogga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota

October 6, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In