Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro, Xildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galbeedka Kismaayo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiiro, Xildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galbeedka Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, salaadiin iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeedo deegaannada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg oo sharuud la’aan loo joojiyo dagaalka ka soconaya galbeedka magaalada Kismaayo oo u dhaxeeya dad walaalo ah oo wada dega, waxaana gogosha maanta lagu kulmay dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Odoyaasha dhaqanka ayaa ka codsaday waxgaradka ku sugan Kismaayo in laga wada qeyb-qaato sidii loo damin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay duleedka magaalada Kismaayo, isla markaana la joojiyo dagaalka micno darada ah ee dhiiga dadka Walaalaha ku qubanaya,

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

“Waxaan ka codsaneynaa odoyaasha dhaqanka ku sugan magaalada Kismaayo inay ka wada qeyb-qaataan sidii loo damin lahaa colaadda kasoo cusboonaatay duleedka magaalada Kismaayo “sidaas waxaa yiri qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii dhacay dib la iska imaan doono, hase yeeshee dagaal horleh aysan xamili karin dadku, loona baahanyahay in la joojiyo dagaalka.

“Runtii wxii dhacay gadaal ayaa looga wadahadlayaa ee hadda waxaa loo baahanyahay in la joojiyo dagaalka waxaana leenahay dadka dagaalamaya joojiya dagaalka micno darada ah”ayuu yiri Xildhibaan Sakariye,

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa ugu baaqay dadka dagaalamaya inay ku joojiyaan si shuruud la ‘aan ah, sidoo kale waxaa fariin u diray dadka dagaalka ku buun buuninaya baraha ay ku xiriiraan bulshada inay dadka marin habaabinin oo ay joojiyaan falalka nuucaasi oo kale ah.

“Waxaan ku baaqayaa in dagaalka si sharuud la’aan ah lagu joojiyo, madaama u xilligaan dagaalka dan ugu jirin Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan leeyahay dadka baraha bulshada ay ku xiriiraan ku buun buuniya inay joojiyaan waayo dagaal wiil kuma dhashee wiilbaa ku dhinta”, ayuu hadalkiisa ku soo koobay Wasiir Oomaar.

Tags: WasiiroXildhibaanno iyo odoyaal dhaqameed ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galbeedka Kismaayo
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddda Norway Oo Ka Hadlay Xakameynta COVID-19

Next Post

The Somalia and Norway Discuss COVID-19 Control

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddda Norway Oo Ka Hadlay Xakameynta COVID-19

The Somalia and Norway Discuss COVID-19 Control

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In