Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa.
Allah ha naxariistee Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isago oo uu haayay feyraska safmareenka ah ee Corona.
Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka.
Xudaydi Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Magaaladda Cadan ee dalka Yeman, ka hor intii uusan soo noqon dalka .sidoo kale Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida.