Sidda laga soo xigtay Hay’adda u xil saaran la tacaalida Corona Virus Mareykanka 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa xanuunka Covid 19 u geeriyoday dad gaaraya 2,108.
Tani ayaa lagu sheegay in ay tahay Kororkii ugu badnaa ee dhimashadda maalinlaha ah ee dalka Mareykanka tan iyo markii uu cudurkan ka dilaacay gudaha USA.
Sidoo kale waxaa la orankaraa waa tiraddii ugu badneyd ee taariikhda hal maalin u dhimata Xanuunka Corona Virus tan iyo markii uu si rasmi ah uga bilowday Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.
Tirada guud ee dhimashada dadka Mareykanka ee xanuunkan u geeriyooday ayaa gaareya 18,777 sidda ay xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO).
Adduunka oo dhan, tirada guud dadka uu haleelay xanuunkan ayaa gaaray 1.7 milyan, halka dadka ka soo kabtayna tiradooda ay ku dhowdahay 376,000.