Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO “WAXAAN XOOGGA SAAREYNAA KA HORTAGGA CUDURKAN MAADAAMA AY TAHAY WADDADA UGU HABBOON EE INOO SAHLAN”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO “WAXAAN XOOGGA SAAREYNAA KA HORTAGGA CUDURKAN MAADAAMA AY TAHAY WADDADA UGU HABBOON EE INOO SAHLAN”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19 ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awooddeena dowladnimada, hannaanka nolosha dadkeenna ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada socda ee lagaga hortagayo cudurkan safmarka ah.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

“Dowlad ahaan waxa aynu nahayd dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19, Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkaaan.

Previous Post

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo Ka War Bixisay Xaaladda Caabuqa COVID-19

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo Ka War Bixisay Xaaladda Caabuqa COVID-19

Wasiirka Caafimaadka oo Ka War Bixisay Xaaladda Caabuqa COVID-19

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In