Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Carabta oo yeelanaya kulan degdeg oo looga hadlayay sidii loga hortagi lahaa faafida xanuunka Covid 19

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka Carabta oo yeelanaya kulan degdeg oo looga hadlayay sidii loga hortagi lahaa faafida xanuunka Covid 19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Dr Mishaal bin Fahim Al-Salami,  Barlamaanka Carabta ayaa yeelan doona  kulan degdeg ah oo si toos ah ugu dhexmaraidoona qadka Internetka, kaasi oo dhici doona 19-April oo ku beegan Maalinta Axada ah, kulankan ayaa looga wada hadli donaana ka hortaga faafida viruska Corona ee dunida Carabta iyo sidii  wax looga qaban lahaa dadka uu saameynta ku yeeshay ee wadamada Carabta.

Madaxa xafiiska WHO ee gobolka bariga dhexe iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee waaxda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka qeyb gali doona kulankan si loo soo bandhigo xaqiiqooyinka faafitaanka viruska Corona ee ka soo ifbaxay wadamada Carabta, siyaabaha wax looga qaban karo, iyo dadaallada lagu caawinayo Shucuubta Carabta, si looga gudbo waxyeelada xanuunkan.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Sidokale inta kulanka uu socda Baarlamaanka Carabta ayaa ka wada hadli doona qaraar qabyo ah oo kusaabsan talo soo jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ee laxiriiray soo saarista sharciga hanuuninta Carabta ee lagu xoojinayo Caafimaadka iyo ka hortaga cudurada faafa ee dunida Carabta, iyo sidokale afar go’aan qabyo ah oo kusaabsan dabagalka dhacdooyinka wadamada Carabta qaarkood ee la soo derseen deganaansho la’aan.

Gabagabada kulanka ayaa loga arrinsandoonaa  xaaladda  murugsan ee wadamada Falastiin iyo Yemen.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Jamhuuriya

Next Post

Trump oo sheegay in dalkiisa uu ka gudbay meeshii ugu sarreysey sameeynta Corona  

Next Post
Trump oo sheegay in dalkiisa uu ka gudbay meeshii ugu sarreysey sameeynta Corona  

Trump oo sheegay in dalkiisa uu ka gudbay meeshii ugu sarreysey sameeynta Corona  

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In