Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Trump oo sheegay in dalkiisa uu ka gudbay meeshii ugu sarreysey sameeynta Corona  

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Trump oo sheegay in dalkiisa uu ka gudbay meeshii ugu sarreysey sameeynta Corona  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rumeysanyahay in dadka ugu badan ee uu xanuunkani sameeyay uu ay yahiin dadka Mareykanka, isaga oo xusay in tirada dhimashada dadkiisa ay u dhexeyso 60 illaa 65,000, halka Ururka Caafimaadka Adduunka uu ugu baaqay in Waddamada Caalamka qaarkood ay dib u eegis ku sameeyaan tirada dadka cudurkan qaaday si la mid ah Shiinaha.

Trump ayaa shirkiisa jaraa’id uu qabtay ku sheegay in la dagaalanka Corona Virus ay u furi doono dhaqaalaha Mareykanka, isaga oo xusay in ay hubindonaan sida gobalada qaarkood ay ugu guuleysan karaan xakameeynta faafida xanuunkan iyaga oo kaashanaya dhaqaalahii logu talagalay.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

New York ayaa noqotay halka dhimashada ugu badan laga diiwaan geliyay, sidokale waa meesha ay ku dhinteen kala bar dadka xanuunkan ugu geeriyooday gudaha  Mareykanka.

Gudoomiyaha  New York ayaa sheegay Jimcihii  shalay in cudurkan  Corona Virus uu aad u dhibateeyay dadka reer Mareykan gaar ahaan kuwooda degan New York, sidokale guddoomiyaha wuxuu ka digay qaadashada go’aanka in la furo xuduudaha gobalada qaar si loo helo dhaqaalo taasi oo uu sheegay in xanuunkan ay gaarsiin karto heer aan wax laga qaban Karin.

Guud ahaan tirada dadka uu sameeyay COVID 19 ayaa gaaray 2.24 milyan, waxana xanuunkan u geeriyooday dad kabadan 154,000, halka in kabadan 571,000 ay ka soo kabsadeen, sida lagu sheegay barta internetka “World Meter” oo ka hadasho la socodka tirada dhibanayaasha COVID 19.

Previous Post

Baarlamaanka Carabta oo yeelanaya kulan degdeg oo looga hadlayay sidii loga hortagi lahaa faafida xanuunka Covid 19

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In