Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ahaa Xoghayaha labaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Liibiya oo habeennimadii Khamiista, 16 April, 2020 ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ku dhashay sanadkii 1958 degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku soo biiray sanadkii 2016, iyadoo isla sanadkaasi loo magacaabay xilka Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya , kahor inta aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda loo soo wareejin waxa uu ahaa Maareeye kuxigeenka labaad ee Wakaaladda Howlaha Maraakiibta iyo Gaadiidka Badda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka Badda iyo Dekadaha oo loo diiwaangeliyay shaqaale ahaan sanadkii 2013.

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Diblomaasi Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Juquraafiga iyo Taariikhda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkii 1984 ayaa bare ka kala noqday dugsiyo hoose, dhexe iyo sare oo ku kala yaalla Soomaaliya iyo Yemen.

Marxuum Cusmaan Cumar waxa uu kala shaqeeyay Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy howsha lagu soo siideynayay dad badan oo Soomaali ah oo xabsiyo ku yaalla gudaha Liibiya ku xirnaa muddo dheer.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Previous Post

Haweenka Gobolka Banaadir oo soo bandhigay marada wajiga lagu xirto oo ay sameeyeen “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Kulanka Guddoomiyaasha Guddiga Dowlad Gobaleedyada Ee Ka Hortagga COVID-19

Next Post
DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Kulanka Guddoomiyaasha Guddiga Dowlad Gobaleedyada Ee Ka Hortagga COVID-19

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In