Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 19, 2020
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ahaa Xoghayaha labaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Liibiya oo habeennimadii Khamiista, 16 April, 2020 ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ku dhashay sanadkii 1958 degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku soo biiray sanadkii 2016, iyadoo isla sanadkaasi loo magacaabay xilka Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya , kahor inta aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda loo soo wareejin waxa uu ahaa Maareeye kuxigeenka labaad ee Wakaaladda Howlaha Maraakiibta iyo Gaadiidka Badda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka Badda iyo Dekadaha oo loo diiwaangeliyay shaqaale ahaan sanadkii 2013.

Related posts

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025

Diblomaasi Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Juquraafiga iyo Taariikhda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkii 1984 ayaa bare ka kala noqday dugsiyo hoose, dhexe iyo sare oo ku kala yaalla Soomaaliya iyo Yemen.

Marxuum Cusmaan Cumar waxa uu kala shaqeeyay Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy howsha lagu soo siideynayay dad badan oo Soomaali ah oo xabsiyo ku yaalla gudaha Liibiya ku xirnaa muddo dheer.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Previous Post

Haweenka Gobolka Banaadir oo soo bandhigay marada wajiga lagu xirto oo ay sameeyeen “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Kulanka Guddoomiyaasha Guddiga Dowlad Gobaleedyada Ee Ka Hortagga COVID-19

Next Post
DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Kulanka Guddoomiyaasha Guddiga Dowlad Gobaleedyada Ee Ka Hortagga COVID-19

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

June 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.   Madaxweynaha JFS...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In