Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Wax Ka Bedeshay Bandawga Qeybta Ka Ah Dadaallada Lagu Xakameynayo Faafitaanka COVID-19

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Wax Ka Bedeshay Bandawga Qeybta Ka Ah Dadaallada Lagu Xakameynayo Faafitaanka COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar)

Si sare loogu qaado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19, milkiilayaasha Makhaayadaha waxaa la farayaa inay makhaayadaha furan 5:00 Galabnimo, adeeggoodana u baddelaan Qaado oo soco (Take Away), ayna xiraan 7:00 Fiidnimo.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar),oo warbaahinta la wadaagay amarrada kasoo baxay dowladda ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka COVID-19, ayaa gaadiidka dadweynaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay faray inay yareeyaan dadka ay markiiba qaadaan oo ku ekeeyaan kala bar tirada dadkii markii hore ay qaadi jireen, dakana kala fogeeyaan.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in xilliyada oo dhan la fariisto makhyaayadaha iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Dhammaan ammarradii hore ee ku xeernaa bandowga waa sidoodii marka laga reebo wax ka bedelka lagu sameeyay waqtiga uu billaabmayo.

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee sida haboon ugu hoggaansamay dhaqan gelinta bandawga iyo dhammaan amarradii ku xeernaa iyo ciidamada amniga ee iyaguna sidii ay ahaayeen u fuliyay amarradii dowladdu siisay.

Previous Post

Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti oo ka tacsiyadeeyay Xildhibaan ku geeriyooday dalkaas

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Cabdiraxmaan Caateeye

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Cabdiraxmaan Caateeye

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In