Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Awqaafta oo daah furtay wajigii 2-aad ee wacyigalinta diimeedka ka hortaga Covid 19+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Awqaafta oo daah furtay wajigii 2-aad ee wacyigalinta diimeedka ka hortaga Covid 19+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan dhuuboow ayaa daah furay wajigii 2-aad ee wacyigalin diimeedka ka hortaga cudurka karoonaa feyruska waxaana iska kaashanaya xafiiska Ra.isulwasaaraha dalka Maamulka gobolka banaadir iyo Wasaarada awqaafta oo hormuud u ah.

Wasaarada awqaafta ee Soomaaliya ayaana soo bandhigtay book ka hadlayo sida loo aasayo qofka udhinta cudurkaan covid 19 iyo sidoo kale codbaahiyaal loo qeybin doonaan masaajida ku yaalla caasimada iyo agabyo kale oo qeyb ka qaadanaya ololahan wacyigalinta sida uu sharaxayo Agaasimaha guud ee Wasaarada awqaafa Cumar faaruuq.

Related posts

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

June 27, 2026
Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026

“Waa muhiim in aan tababarno dad ka shaqeeya aaska dadka u dhinta cudurka Covid-19 maadaama loo baahanyahay in la barto habka ugu macquulsan ee looga fijignaan karo faafitaankiisa lana aaso dadka u geeriyooda”sidaas ayuu yir agaasime Cumar Faaruq.

Sheekh cabdul jabaar oo ku hadlayay afka culumada iyo kooshin Cabdi xaashi oo ka socday Xafiiska Ra.isulwasaaraha dalka ayaa ku booriyay in lagu baraaruga fariimaha dowladda iyo bahda caafimaadka ee looga hortagayo cudurkaan qatarta ee Covid-19.

“Dadweynaha waxaa looga baahanyahay inay qaataan fariimaha wacyigalinta ee lagu xakameynayo cudurkaan caalamka aafeeyay ee Karoonaa waxaana sidoo kale aan bogaadineynaa dadaalka wasaaradda”ayay yiraahdeen ka qeyb-galayaasha

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan dhuuboow  ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay xooga saarayaan wacyigalinta bulshada iyadoo loo maraya waxa ay diinta ka qabto sida loo wajahayo ka horataga cudurkaaan Karoona.

“Buugaan waxaa ugu talagalnay in dhammaan macluumka looga hortagi karo aan ugu bandhigna bulshada Soomaaliyeed waxaana gaarsiin doonaan dhammaan masaajida ku yaalla caasimada si dadka ugu baraarujino qatarta uu leeyahay cudurka Covid-19 ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Awqaafta Mudane Cismaan Aadan Dhuuboow

Dhanaca kale waxa ay codbaahiyaal oo ay ku jiraan sameecado iyo mikroofano iyo sidoo kale maaska afka lagu xerto ay gaarsiiyeen masjidka al-imaam ee degmada Waaberi  gobolka Banaadir waxaana dhammaan la geyn doonaan masaajida caasimada si dadka looga wacyigalinyo qatarta uu leeyahay cudurkaan safmarka ah ee Karoona Feyruska.

Tags: Wasaaradda Awqaafta oo daah furtay wajigii 2-aad ee wacyigalin diimeedka ka hortaga Covid 19+Sawirro
Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Next Post

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo Lacago ciid ah guddoonsiiyay Carruurta Wariyeyaashii Ku dhintay Muqdisho

Next Post
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo Lacago ciid ah guddoonsiiyay Carruurta Wariyeyaashii Ku dhintay Muqdisho

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo Lacago ciid ah guddoonsiiyay Carruurta Wariyeyaashii Ku dhintay Muqdisho

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

June 27, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha...

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In