Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo Lacago ciid ah guddoonsiiyay Carruurta Wariyeyaashii Ku dhintay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 20, 2020
in Wararka
0
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo Lacago ciid ah guddoonsiiyay Carruurta Wariyeyaashii Ku dhintay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii seddaxaad oo xiriir ah lacago ciid ah ka caawinaya carruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Wariyeyaashii ku dhintay Muqdisho ayaa guddi ka socday Warbaahinta madaxa bannaan u wakiishay qeybinta lacagahaas.

Guddiga ka socday Warbaahinta Madaxa Banaan oo maanta fulinayay hawsha qeybinta lacagta ayaa xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ku boggaadiyay garab isgtaaga ay u muujiyeen bahda Warbaahinta.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta Madaxa banaan ee fulinayay hawshan Mudane Cabdullaahi Cusmaan Faarax oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in caruurta Agoonta ah ee lacagta ciidda ah ay siiyeen ay tiradoodu gaareyso ilaa 86 carruura oo ka kala yimid 26 Qoys, kuwaas oo Aabayaashood geeriyoodeen iyaga oo Bulshadooda u adeegaya tan iyo sanadkii 2007.

Cabdullaahi Xirsi Kulmiye, Agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika ayaa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada  uga mahadceliyay sida ay isaga xil saareen in laga warqabo Agoonta Wariyeyaasha iyo inay joogteeyeen sanadkii seddaxaad oo xiriir ah.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka mid ah Guddiga Warbaahinta Madaxa Bannaan ee qeybinta lacagtaan loo wakiishay oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la caawiyo Agoonta, si gaar ah in bahda Warbaahintu ay tusaale u noqoto, isagoo ammaanay doorka Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada uu ka qaatay arrintaas.

Previous Post

Wasaaradda Awqaafta oo daah furtay wajigii 2-aad ee wacyigalinta diimeedka ka hortaga Covid 19+Sawirro

Next Post

Wasiirka Caafimaadka: “Hadii Aad Isku aragto Astaamaha Lagu Garto COVID19 La Xariir Xarumaha Lagula Tacaalo Feyruska Karoona” SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Caafimaadka: “Hadii Aad Isku aragto Astaamaha Lagu Garto COVID19 La Xariir Xarumaha Lagula Tacaalo Feyruska Karoona” SAWIRRO

Wasiirka Caafimaadka: "Hadii Aad Isku aragto Astaamaha Lagu Garto COVID19 La Xariir Xarumaha Lagula Tacaalo Feyruska Karoona" SAWIRRO

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In