Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo Ka Hadlay Saameynta COVID-19 Ku Yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Wadanka

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo Ka Hadlay Saameynta COVID-19 Ku Yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Wadanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa, ayaa ka hadlay war-bixin ku saabsan saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in war-bixintu ay muujinayso in badeecadihii ay dawladdu u sameysay cashuur-dhaafka uu hoos-u-dhacay qiimahoodii sidoo kale na uu cudurkani saameeyey ganacsiyo tiro badan iyo badeecadaha dalka.

Wasiirka, ayaa xusay in sicir-barar ku yimi khudaarta dalka, waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha iyo weli ba sidoo kale ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe oo qaarkood xidhmeen, waxa kale oo uu sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn xooggan ku yeeshay wax-soo-saarkii dhinaca warshadaha iyo weli ba sidoo kale lacagihii dhinacaha xawaaladaha.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu carabka ku dhuftay in marka loo eego wakhtigii COVID-19 dalka laga dhawaaqay iyo xiligan in maalin ba maalinta ka dambeysa uu hoos-u-dhac ku imaanayo sicir-bararkii ku yimi badeecadaha dalka, isaga oo xusay in ganacsatadu ay ku ammaanan yihiin sida wanaagsan ee ay ugu naxariisteen shacabkooda isla-mar-ahaantaana ay ugu dhimriyeen xaaladaha adag ee lagu jiro awgeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, wuxu sheegay in Wasaaraddu ay la socoto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay marar kala duwan ka jawaabtay saameynta COVID-19 ee ganacsiga isagoo sidoo kale na xusay in ay wadaan mashaariic lagu horumarinaayo ganacsiga wadanka kuwaas oo jawaab u ah saameynta COVID-19 ee ganacsiga.

Wasiirku, wuxu aad u boggaadiyey Ganacsatada Soomaaliyeed oo la yimi hal-abuuro ganacsi oo ay kaga qeyb-qaadanayaan ka hortaga cudurka COVID-19 iyaga oo farsameeyey neefiyeyaal wax-weyn ka taray baahidii cisbitaalada loogga qabay dadka laga dabiibaayo cudurkan, waxa kale oo uu ku ammaanay inay bishan Ramadaan ay aad wax-u-tareen dadka masaakiinta ah ee wadanka ku sugan.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ugu dambeyn uu ganacsatada ku dhiiri-geliyey inay dhibbaatada COVID-19 ay u beddelaan fursado ay ku maal-gashanayaan wax-soo-saarka wadanka, waxaana uu carabka ku adkeeyey in wadanku aanu ku tiirsanaan karin kaalmooyin uga yimaada dalalka dibadda iyo weli ba in ganacsigiisu uu ku tiirsanaado dalal shisheeye.

Previous Post

Guddiga ka hortagga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ka muuqda faafidda cudurkaasi

Next Post

R/W Khayre: waxaan u mahad celinayaa dhaqaatiirta go’aansaday inay safka hore ka galaan Dagaal lamid ah kan Xabbadda la’isu dhigo

Next Post
R/W Khayre: waxaan u mahad celinayaa dhaqaatiirta go’aansaday inay safka hore ka galaan Dagaal lamid ah kan Xabbadda la’isu dhigo

R/W Khayre: waxaan u mahad celinayaa dhaqaatiirta go’aansaday inay safka hore ka galaan Dagaal lamid ah kan Xabbadda la’isu dhigo

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In